4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Xulka Faransiiska oo 4-3 ku dhuftay Xiddigihii Argenitna

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) –Faransiiska ayaa noqonya xulkii ugu horeeyay ee u soo gudbay wareega 8da, kaddib markii ay 4-3 dhufteen xiddigihii xulka Argentina, cayaar siweyn isha loogu wadda hayay.

Wiilka cayaarta sida weyn isha loogu wadda hayay oo caalamka soo jiitay ayaa noqday Kylian Mbappe oo ah 19 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka France, kaasoo dhaliyay laba ka mid ah goolasha ay ku badiyeen Faransiiska.

Sidoo kale Mbappe isaga ayaa keenay goolkii koowaad kaddib marki lagu jallaafeeyay xerada ganaaxa, waxaana Rigoore loo dhigay France daqiiqadii 13-aad gool u beddelay Antoine Griezmann, hasse ahaatee gool qurux badan ayaa ayaa waxaa ku bareejeeyay Angel Di Maria oo ka dhigay cayaarta, 1-1.

Argentina oo sidii ay goolki koowaadba u heshay hamigeedu sare u kacay ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 48-aad ee qeybti danbe ee ciyaarta, ka gadaal marki uu gool u dhaliyay Gabriel Mercado.

Wixii markaasi ka danbeeyay muddo 10 daqiiqo gudahood ah ayay Faransiisku ke dhaliyeen saddex gool oo laba ka mid ahi uu muddo 4 daqiiqo gudahood ah ku saxiixay halka Benjamin Pavard uu saxiixay gool galay mid ka mid ah kuwa ugu qurxan ee laga dhaliyo sannadkaan ciyaaraha aduunka.

Goolka saddexaad ee Argentina waxaa dhamaadki ciyaarta saxiixay Kun Aguero. Sidaas ayayna France ku gaartay wareega sideeda ee Koobka Aduunka.

France ayaa ugu danbeyntii lugta tan xigta wareega 8aad la cayaari doona xulalka Portugal iyo Uruguay oo goor dhaw foodda isku dari doona magaalada Sochi ee dalka Russia.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]