3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Farmaajo : Baarlamaanka kaalintooda ha ka qaataan hergalinta Sharciga Naafada

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno kamid ah dalladaha ururrada naafada kuwaas oo kaalin mug leh ka geystay u ololeynta xuquuqda dadka naafada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Naafada oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu xaqiijinayo qorsheyaasha lagu horumarinayo naafada Soomaaliyeed iyo xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

Madaxweynaha ayaa faray Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay kaalintooda sharci ka qaataan hawshan, isagoona ku adkeeyey in ay dadaal badan geliyaan meel marintiisa.

Madaxweynaha ayaa yiri; “Waa waajib ina wada saaran dhammaanteen inaan dhaqaaleysanno dadkeenna naafada ah oo aan ka shaqeyno caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, waana qeyb ka mid ah masuuliyadda gaarka ah ee ay noo wakiisheen shacabka Soomaaliyeed.”

“Waxaa xaqiiq ah in falalka gurrucan ee argagixisada Alshabaab ay ku dhibaateeyeen shacabka ay kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafoobay,Waxaan ka shaqeynaynaa in aan gacanna ku ciribtirno argagixisada, gacanta kalena aan ku daryeelno dadkeenna ay naafeeyeen.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, dalladaha ay ku midaysanyihiin naafada iyo khubarada Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyey diyaarinta hindise sharciyeedkan, dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo aasaasi lahaa hay’ad qaran oo ka shaqeysa horumarinta dadka naafada ah.

Xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji, u qaabilsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada Mudane Cabdirixmaan Faarax Luunge iyo xubno ka tirsan dalladaha naafada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/30/2018 5:16 PM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL)–Xulka Uruguay ayaa xaqiiqsaday in uu u gudbay wareega 8aad dhamaadka Koobka aduunka ee ka soconaya dalka Ruushka kaddib markii ay 2-1 uga badiyeen xulka Portugal.

6/30/2018 1:33 PM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL)–Faransiiska ayaa noqonya xulkii ugu horeeyay ee u soo gudbay wareega 8da, kaddib markii ay 4-3 dhufteen xiddigihii xulka Argentina, cayaar siweyn isha loogu wadda hayay.

6/30/2018 9:13 AM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in sii deyntii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi- Dhagax) ku timid codsi uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, oo markii horeba u gacan galisay.

6/30/2018 8:44 AM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL)Golaha xukuumadda Abiye ee dalka Itoobiya ayaa usoo jeediyay baarlamanka dalkaasi in liiska argagixisada laga saaro ilaa sedex ururro mucaarad oo ka jira dalkaasi.

6/30/2018 8:33 AM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Ku dhowaad sodon kun oo arday ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii shahaadiga ee dugsiyadda fasaladda dhexe ee 8aad iyo fasaladda afraad ee dugsiyada sare ee Somaliland.

6/30/2018 7:07 AM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka dulleedka Muqdisho gaar ahaan deegaanka Siinka Dheer ayaa sheegaya in Qarax lala eegtay gadiid ay la socdeen mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose.

6/30/2018 5:49 AM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Dowladda Portugal, ayaa ka qaadeysa dalka Masar afar boqol (400) oo ka mid ah qaxooti ku nool dalkaas oo dib u dejin ka helay Portugal , waxaana ay qaadista dadkan ka dambeysay heshiis ay waddamada reer Yurub la galeen dowladda Masar, kaaso dhigaya Masar inay ka hortagto tahriibiyaasha ka baxa dalkaas, waddamada Yurubna ay dib u dejin u sameeyeen qaxooti badan ee Masar ku nool.

6/30/2018 5:44 AM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL)-Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland,Maxamuud Xasan Aw- Cismaan oo goor dhow wariyayaasha kula hadlay magaalada Garoowe ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto xisaabiyihii hore wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug,Barkhadle Aadan Muuse.

6/30/2018 3:51 AM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL)-Kooxda ISIS ama Daacish ayaa sheegatay in ay iyagu ka danbeeyeen dilka labo ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka oo ka dhacay Muqdisho.

6/30/2018 1:59 AM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL)-Maamulka gobolka Shabeellaha hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Buundo muhiim u aheyd marinka iyo isku socodka dadweynaha oo ay qarxiyeen Al-shabaab.

6/30/2018 1:19 AM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ku aadan in xarumo Caafimaad laga furo meelaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay kaga sugan yihiin maamul goboleedyadda.

6/30/2018 1:01 AM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL) – Saraakiisha caafimaadka magaalada Gaza ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan laba ruux oo Falastiiniyiin ah ay dhinteen kadib isku-dhacdyo Jimcihi shalay Marinka Gaza ku dhexmaray ciidamada Israel iyo dad Falastiiniyiin oo mudaaharaad ka dhigay xadka Gaza.

6/30/2018 12:50 AM EST
Sabti, June, 30, 2018 (HOL)–Sida goobjoogayaal u xaqiijiyeen warbaahinta rag hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay Cabdirashiid Daahir Xassan oo ahaa ardey dhigta mid ka mid ah Jaamacada magaalada Muqdisho.