4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Itoobiya oo sheegtay in QalbiDhagax lagu sii daayay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in sii deyntii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi- Dhagax) ku timid codsi uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, oo markii horeba u gacan galisay.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen sii deynta Qalb-dhgax, dowladda Itoobiya-na iyada- tixgelisay codsigaas la sii daayay.

Dhinaca kale Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa soo hadal qaaday hadal uu dhawaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka jeediyey dalkiisa kaddib booqashadii uu ku yimid Muqdisho.

“Waa waxba kama jiraan hadallada  been abuurka ah ee sheegaya  in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu  yiri waxaa la mideynaya labada dal, waxa la mideynaya waa dhaqaalaha labada dowladdood, taasna Midowga Yurub, Midowga Africa iyo waddamada horumaray ayaa ku dhaqma, cadowgeenna waa Faqriga iyo Gaajada waana in aan  si wadajir ah ula dagaallamaan labada dal”.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Jamaaludiin ayaa sheegay in Jiilasha hadda ee labada waddan in aysan u baahneyn colaadihii la soo maray oo ilbaxnimadu ay tahay in la isdhaxgalo.

Itooobiya waxaa ka jira isbaddello siyaasaddeed, taas oo keentay in maxaabiista qolyaha mucaawadka laga sii daayo xabsiyada dalka Itoobiya, sii deynta Qalbi-Dhagax-na ay qeyb ka tahay isbaddelladaas Itoobiya ka socda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]