4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Somaliland : Sodon kun oo Arday oo maanta u fadhiistay imtixaankiii shahaadiga


Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Ku dhowaad sodon kun oo arday ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii shahaadiga ee dugsiyadda fasaladda dhexe ee 8aad iyo fasaladda afraad ee dugsiyada sare ee Somaliland.

Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay in saaka sideeddii subaxnimo si rasmiya uga bilaabmay dhamaan goboladda iyo degmooyinka Somaliland oo ay wada gaadheen imtixaankaasi dugsiyadad dhexe iyo kuwo sare.

Dugsiga dhexe ee fasalada 8aaad waxa u fadhiistay in ku dhow 18,256 Arday , halka fasaladad afraad ee dugsiga sarena u fadhiisanayaaan arday dhan 9,931 arday.

Sidoo kale, waxa lagu galayaa imtixaanka 214 goobood, waxa kale oo imtixaaanka galaya 45 arday baahiyaha gaarka leh sida dhagooleyaasha iyo indhooleyaasha oo ka mid noqonaya ardayda imtixaanka u fadhiisanaya,halka ardayda jeelka ku xidhan iyo kuwo xanuun dartii u iman kari waayey si gaar ah imtixaanka loogu diyaariyey.

“saaka sideedii subaxnimo waxa si rasmiya hal mar u furmay dhamaan goobihii imtixaanka lagu galayey ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland, waxana ardayda u rajaynaynaa guul iyo mustaqbal wanaagsan”ayuu yidhi wasiirka waxbarashada iyo sayniska Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir farotoon, waxaanay amaro ka soo saareen qishka iyo waxyaalaha kale ee ardaydku ku kacaan oo la sheegay qofkii lagu arko in uu imtixaanka waayayo oo aanu gali Karin jaamacadaha.

Sidoo kale, gudoomiyaha imtixaanka qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in galbeed illaa Bari ay wada gaadheen imtixaankii dugsiyadda sare iyo kuwo dhexe.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.