4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Puntland oo amartay in la soo qabto xisaabiyihii hore wasaaradda maaliyadda ee gobolka Mudug

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland,Maxamuud Xasan Aw- Cismaan oo goor dhow wariyayaasha kula hadlay magaalada Garoowe ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto xisaabiyihii hore wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug,Barkhadle Aadan Muuse.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeyay xisaabiyaha oo dhawaan xilka iska casilay lun-sashada hanti dowladeed ,isagoo sheegay inuu ka baxay deegaannada Puntland.

"Waxaa maqaal nugu ah in eedeysanaha uu dalka ka baxsaday, sida awgeed waxaan hay'adaha amniga dowladda federaalka iyo hay'adaha amiga dowlad-gobolleedyada usoo gudbineyna in ninka ciddii aragta ay usoo gacan-galiso dowladda Puntland... ninka waa eedeysane hanti faro badan oo shacabka ciidamada iyo shaqaalaha gobolka Mudug loogu tala-galay ayuu si sharci darro ah ula baxay." ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Puntland.

Mar lawaydiiyey in xisaabiyuhu uu shir qabtay hore ugu sheegay in ay jirto xisaab xumo iyo musuq wasaaradda ka dhacay, ka hor hadalkiisana inaysan dowladda soo bandhigin inuu lunsadey hanti iyo sababta loo xiri waayay haddii uu lunsadey hanti waqtigaa ,ayuu yiri xeer ilaaliyuhu "kiiskiisa baaris ayaa dowladu galisay ,sida wax u dhaceena kama hor dhacayo,hanti-dhowrka ayaa arrimaha hantida ku shaqo leh ,howshuna waa socotay,ee isagiibaa baxsaday,marka waa sugaynaa."

Iman Jama