4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Isku-dhacyo Israel iyo Falastiin ku Dhexmaray Marinka Gaza

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) – Saraakiisha caafimaadka magaalada Gaza ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan laba ruux oo Falastiiniyiin ah ay dhinteen kadib isku-dhacdyo Jimcihi shalay Marinka Gaza ku dhexmaray ciidamada Israel iyo dad Falastiiniyiin oo mudaaharaad ka dhigay xadka Gaza.

Ashraf Al-Qudra oo ah afhayeenka wasaarada caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in labada ruux ee ay dileen milatariga Israel ay kala yihiin wiil 13 jir ahaa oo lagu dilay meel u dhaw magaalada Khan Yunis iyo wiil kale oo 24 jir ahaa oo isna lagu toogtay agagaarka Rafah.

In ka badan 130 ruux oo Falastiinyiin ah ayay wasaaraddu sheegtay in Jimcihi shalay lagu dhaawacay xadka Gaza iyo Israel.

War kasoo baxay milatariga Israel ayaa lagu sheegay in kumanaan ruux oo Falastiiniyiin ah ay Jimicihi sameeyeen banaanbaxyo rabshado xaddhaaf ah watay.Warka ayaa lagu sheegay in ciidanka Israel lagu tuuray bam gacmeed, sidoo kalana ay ciidamada dhowr jeer dib u riixeen Falastiiniyiin isku dayay in ay ka gudbaan xadka.

Banaanbaxyadaan oo hadda noqday todobaadle ayaa ka bilowday xadka Gaza 30-ki bishii March ee sannadkaan. Waxaa soo abuubulay ururka Hamas.

Tan iyo markaasi waxaa la dilay 137 ruux oo Falastiiniyiin ah. Israel waxay sheegtay in ay difaaci doono xuduudkeeda.

VOA