4/13/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2018
Itoobiya oo shidaal soo saaraneysa markii ugu horeysay iyo ONLF oo arintaa ka soo horjeesatay


 

Jimco, June, 29, 2018 (HOL) – Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay markii ugu horeysay in ay bilaabeyso sidii shidaal looga saari lahaa dhuka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Shirkadda Poly-GCL ee xarunteedu tahay dalka Shiinahaa ayaa bilowgii sanadkii hore waxa ay ka bilowday sahminta saliida iyo weliba horumarinta gooblka ay Soomaalidu degto ee dalka Ethiopia.

Keydka shidaalka ee ku jira ceelasha laga helay saliida ee gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa lagu qiyaasay 6 – 8 Trillion Cubic Feet.

Laakiin saraakisha sar sare ee Ururka ONLF ayaa tallaabada ay dowladda Itoobiya shidaalka uga soo saareyso dhulka Soomaalida Itoobiya mid xadgudub ku ah shacabka deegaannadaas ku nool.

"Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay" ayuu yiri Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in haddii ay suurtagasho tallaabadan lagu bilaabi doono wax soo saarka ilaa 450 foosto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa'iidaan hal bilyan oo doolar.

"Marka ay shaqadu dhamaato ee aan ka dhoofino dekedda Jabuuti waxaan qiyaasaynaa in aan sannadkii ka heli doono siddeed bilyan oo doolar" ayuu yiri Abiy.

ONLF ayaa sheegtay in dhinacooda uu dhab ka yahay dadaalka nabadeed ee socda ee la doonayo in lagu dhameeyo colaada gobolka, isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin dhinacooda in wada hadal lagu xaliyo arintan dhulka Ogaadeeniya ama Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

"Dadaal nabadeed mab'da ayuu naga yahay waana soo dhawaynaynaa, arrinta Ogaadeenyana in si nabad ah lagu xalliyo barnaamij siyaasi ah bay naga tahay" ayuu yiri caddaani.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa durbaba la soo baxay dardar iyo dadaallo uu doonayo in uu ku hormariyo guud ahaanba dalka, waxaana muuqata in uu la yimid isbadallo siyaasadeed oo looga weecinayo dalka jihadii hore ee uu ku socday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 












Click here
6/29/2018 12:49 PM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa ayaa sheegay in dad ka badan 80 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay maanta yimaadeen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

6/29/2018 11:16 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Hay’addaha Amaanka dowladda Soomaaliyaayaa sheegay in weerar ka dhacay Talaadada aynu soo dhaafny nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab.

6/29/2018 6:11 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL) - Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha dastuurka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

6/29/2018 3:05 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee hoos taga dowlada federaalka Somalia ayaa qaadacay qodobadii ka soo baxay shir looga hadlay arrimaha isgaarsiinta dalka oo lagu soo gebagebeeyey shalay magaalada Garoowe.

6/29/2018 2:07 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Toogashada ayaa ka dhacday dhismaha Wargeyska Capital galabnimadii talaadada xiliga Maraykanka, waxaana lagu dilay dad gaaraya shan qof, tiro kalena waa dhaawac

6/29/2018 1:59 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Golaha wasiirrada Puntland ayaa cod ku ansixiyay magaca iyo mideynta labada hay’ad ee sirdoonka iyo nabadsugidda , kuwaaso oo looga yeeri jirey PIA iyo PSS. Waxa qasbey in labada hay’ad la mideeyo waxaa lugu sheegay baahida loo qabo hay'add amni oo si buuxda u shaqeysa, dhawaan ayayna ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu xilalkii ka qaadday agaasimayaasha labada hay’ad.

6/29/2018 1:53 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL)–Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in C/kariin Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa sida uu hadalka u dhigay siyaasi u xirnaa Itoobiya, balse ilaa iyo hadda aan heysan xoriyad dhameystiran marka laga soo tago in laga sii daayay xabsiga oo kaliya.