4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2018
Nabadsugidda Jubbaland oo Kismaayo ku soo bandhigtay rag kasoo goostay Al-shabaab
Khamiis, June, 28, 2018 (HOL)– Saraakiisha ciidamada nabadsugidda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigay ilaa 12 nin oo ay sheegeen in ay kasoo goosteen maleeyshiyaadka Al-shabaab, kuwaa oo qaar kamid ah oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen in ay ahaayeen gudoomiyeyaal tuulooyin hoostaga degmada Jamaame ee gobolka J/hoose.

Raggan ayay saraakiishu sheegeen in ay isu soo dhiibeen saraakiisha ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugan aagagga dagaalka ee waqooyiga gobolka J/hoose.

Madaxa danbi baarista nabadsugidda Jubbaland G/dhexe Axmed Muuse ayaa sheegay in raggan ay xiriiro lasoo sameeyay saraakiisha ciidamada, islamarkaana ay u dulqaadan waayeen dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmaan Al-shabaab.

Mid kamid ah ragga isa soo dhiibay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo qaar kamid ah ragga kale ee ay wada socdaan ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan kooxdaasi.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan arintan oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Nabadsugidda Jubbaland ayaa marar badan magaalooyinka Kismaayo iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Gedo kusoo bandhigay rag ay sheegeen in ay kasoo goosteen kooxda Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.