3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2018
ONLF shirweyne ku leh magaalada Asmar ee dalka Eritrea

 

Khamiis, June, 28, 2018 (HOL)– Jabhadda ONLF ayaa shirweyne uga furmay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, iyadoo shirweynaha socda looga hadlayo xaaladihii u dambeeyay ee ku soo kordhay Itoobiya iyo is bedeladii dhacay.

Afhayeenka ONLF C/qaadir Hirmooge ayaa sheegay in shirweynahan uu yahay kii saddexaad oo ay ka qeyb galayana boqolaal ruux, islamarkaana lagu falanqeynayo istiraatiijiyada ururka, in is bedel lagu sameeyo hoggaanka ururka iyo arrimo kala duwan

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay soo dhoweynayaan is bedelada ka dhacay Itoobiya, isagoo xusay in ay weli dhowrayaan in is bedeladaas ay noqdaan kuwo aas-aasi ah.

“Is bedelada ka dhacay Itoobiya waa soo dhoweyneynaa, waxanse weli dhowreynaa in is bedeladaas ay aas aasi noqdaan, wax-yaabaha waa weyn ee Itoobiya isku khilaafsan tahay, ka Soomaali ahaan inay is bedelada taabtaan ayaa rajeyneynaa, anaga diyaar baan u nahay dowladda Itoobiya in wada hadal la galno, horayna wada hadal baan kula jirnay”ayuu yiri Afhayeenka Jabhadda ONLF.

Hirmooge ayaa sheegay in aysan jirin farriimo toos ah oo ay Itoobiya ka helaan, balse ay jiraan farriimo dadban iyo kuwa saxaafada la mariyay oo ku saabsanaa arrimaha nabadgelyada, balse wada hadalada ay soo dhoweynayana, isla markaana dhanka Itoobiya ay jirto wixii arrimahaas sahlaya.

Is bedeladii u dambeeyay ee ka dhacay Itoobiya ayaa keentay in weji cusub ay gasho xaalada Itoobiya, kaddib markii la sii daayay boqolaal maxaabiis u xirnaa arrmo siyaasadeed, isla markaana Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la soo baxay siyaasad furfuran oo uu wax badan kaga bedelay hab dhaqankii Itoobiya lagu yaqiin labaatankii sano ee la soo dhaafay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 













Click here
6/28/2018 4:42 PM EST
Khamiis, June, 28, 2018 (HOL)–Dowladda Itoobiya ayaa ugu danbeyntii Xabsiga ka sii deysay Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka ONLF bilihii ugu danbeeyayna u xirnaa dowladda Itoobiya.

6/28/2018 11:01 AM EST
Khamiis, June, 28. 2018 (HOL)-Shirkii golaha wasiiradda Somaliland, ayaa maanta lagaga hadlay arrimaha amniga iyo xuduudaha.

6/28/2018 9:49 AM EST
Khamiis, June, 28. 2018 (HOL)-Dabley hubaysan ayaa rasaas la beegsatay saldhiga ku yaala badhtamaha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

6/28/2018 9:26 AM EST
Khamiis, June, 28, 2018 (HOL)– Saraakiisha ciidamada nabadsugidda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigay ilaa 12 nin oo ay sheegeen in ay kasoo goosteen maleeyshiyaadka Al-shabaab, kuwaa oo qaar kamid ah oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen in ay ahaayeen gudoomiyeyaal tuulooyin hoostaga degmada Jamaame ee gobolka J/hoose.

6/28/2018 8:17 AM EST
Khamiis, June, 28, 2018 (HOL)–Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Debka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof hubeysan uu goor dhaw ku dhaawacay Gabar Wariye ah oo lagu magacaabo Farxiyo Mire.

6/28/2018 5:15 AM EST
Khamiis, June, 28, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa isku badalay agaasimayaal guud iyo agaasime waaxeedyo, sida ku cad wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

6/28/2018 5:11 AM EST
Khamiis, June, 28, 2018 (HOL)– Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay tiro kale oo ka badan 50 qofna waa ay ku dhaawacmeen dab-qabsaday suuq ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

6/28/2018 4:50 AM EST
Khamiis, June, 28, 2018 (HOL)–Iyadoo bilihii uu danbeeyay uu taagnaa khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay madaxda ugu sareysa maamul gobolleedka Galmudug, ayeey hadda ku howlan tahay dowladda Soomaaliya sidii loo dhameyn lahaa is-mar-waaga siyaasadeed.

6/28/2018 1:21 AM EST
Khamiis, June, 28. 2018 (HOL) - Hay’adda Xasaradaha Caalamka ee International Crisis Group ICG ayaa war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in is-marin-waaga Puntland iyo Somaliland uu marayo meel xun, kaddib markii labada maamul ay ciidamo hor leh soo dhoobeen gobolada Sool iyo Sanaag.

6/28/2018 12:53 AM EST
Khamiis, June, 28. 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenye dhiggiisa golahaa Senate-ka Kenya Kennedy Lusaka.

6/28/2018 12:35 AM EST
Khamiis, June, 28. 2018 (HOL)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka in aysan ogoleyn hormar ay sameeyaan dekeddaha kale.