4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2018
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Kenya

 

Khamiis, June, 28. 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenye dhiggiisa golahaa Senate-ka Kenya  Kennedy Lusaka.

Cabdi Xaashi ayaa uga mahad-celiyay dowladda Kenya kaalmada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliya gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku ku jiray, waxaana labada gudddoomiye isla qaateen muhiimadda ay leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Hab-dhawraha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macallin Xasan, Xildhibaan (Kenya) Amina Geeddow Xildhibaan Hore (Kenya) Aden Macalin Cabdullahi, Eric Ogolo, madaxda Hab-maamuuska Senateka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa guddoonka Aqalka Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ah in ay booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiaha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Waxaana lagu talo jiraa in dhowaan wafdi hordhac oo ka socda Aqalka Senate-ka Kenya uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]