4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2018
Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ka hadlay dacwada kala dhaxeysa shirkadda DP World

 

Khamiis, June, 28. 2018 (HOL) -Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka in aysan ogoleyn hormar ay sameeyaan dekeddaha kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay leedahay saamiyada ugu badan shirkadda, ayna arkeen shirkadda DP World aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka.

Mar uu soo hadal qaaday Madaxweyne Ismaaciil ayaa ka hadlay dacwad u dhaxeysa dowladiisa iyo shirkadda dekedaha ee DP World, taas oo dowladda Jabuuti ay ka wareejisay maamulka dekada Dooraale.

Jabuuti ayuu sheegay in ay leedahay saamiyada ugu badan shirkadda, ayna arkeen shirkadda DP World aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka.

"Waan u ogolnahay saamigoodiii, balse waa in la'isu ixtiraamaa sida loo kala saami badan-yahay".

Madaxweynaha Jabuuti ayaa xusay in isagoo ilaalinaya rabitaanka shacabkiisa iyo dastuurka dalkiisa uu ku baabi’iyay heshiiskii ay hore ula galeen shirkadda DP World.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]