4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2018
Wasiiru-dowlaha Boostada oo ka hor yimid dhismaha guddiga adeegga Isgaarsiinta

 

Arbaco, June, 27. 2018 (HOL) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Bile Nuur ayaa ka horyimid magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhowaan qoraal ku soo saaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan.

Qoraal warbaahinta soo gaaray oo uu qoray Wasiiru-dowlaha ayuu ku ogeysiiyay Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana qoraalka lagu soo bandhagay cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo maamul goboleedyada ka keeneen xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran oo Hal shirkad u badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]