4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2018
Jabuuti oo looga dabaal-dagay 27 Jun oo ku beegan waqtigii ay ka xuroobeen gumeystihii Faransiiska

 

Arbaco, June, 27. 2018 (HOL) - Dalka Jabuutii xalay waxaa lagu qabtay munaasabad loogu dabaal degayay sanad guuradii 41-aad ee ka soo wareegatay markii Jabuuti uu ka xuroobay gumeystihii Faransiiska.

Fantisyo kala duwan oo loogu dabaal degayay 27-ka Juun ayaa xalay lagu qabtay meelo badan oo ka mid ah dalka Jabuuti, waxaana isugu soo baxay dadeyne fara badan.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 41-aad ee ka soo wareegatay markii Jabuuti uu ka xuroobay gumeystihii Faransiiska u diray shacabka dalkiisa.

Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in masuuliyad weyn ay ka saaran tahay qof kasta oo Jabuuti ah xaqiijinta hiigsiga soo jireenka ah ee ku qotoma Jabuuti xor ah oo mideysan.

Dadweyne fara badan oo isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Jabuuti ayaa sheegay in maalinkan ay aad ugu faraxsan yihiin, waxayna tilmaameen in dalkooda uu horey u sii socon doono.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa laba maalmood kahor gaaray dalka Jabuuti si uu uga qeyb galo Munaasabadda lagu xusayo 27-ka Juun.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]