4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Boqollaal tahriibayaal Itoobiyan ah oo gaaray Puntland

 

Isniin, June, 25. 2018 (HOL) - Deegaannada Puntland, waxaa ku qulqulaya tiradii ugu badneyd oo tahriibayaal Itoobiyan ah, kuwaaso ujeedkoodu uu yahay siddii ay ku gaari lahaayeen magaalada dekedda leh ee Boosaaso oo ay si dhuumaaleysi ah uga tahriibaan.

Waddada dheer ee laamiga ah ee dhex marta degmada Carmo oo 100 km u jirta magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa lug ku marey tahriibayaal badan oo ka imanaya dhinaca Itoobiya, kuwaaso lugu qiyaasay illaa saddex boqol oo ruux, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Hiiraan Online.

Agaasimaha hay’adda daryeelka mujaahiriinta Puntland,Maxamuud Sheekh Ciid wuxuu dhankiisa xaqiijiyay bilihii u dambeeyay inay diiwaangaliyeen illaa toddobo kun oo tahriibayaal Itoobiyan oo gaaray magaalada Boosaaso.

"Tahriibka waa sharci darro Puntland, waana dambi ka mid ah ciddii lugu helo iyadoo gacanta kula jirto kuwa aan la cafin ama racfaan laga qaadan karin." ayuu yiri Maxamuud Sh. Ciid oo la hadlay idaacadda VOA-da , wuxuuna inta ku daray inaysan awood buuxda u lahayn ka hortaga kumannaanka tahriibayaasha ah ee gaara magaalada Boosaaso.

Tahriibayaasha ayaa xilligan gaaraya magaalada Boosaaso ,iyadoo cimilada aad u kulushahay, safarka badduna uu adag yahay maaddaama lagu guda jiro bilihii bad xiranka, waxaana xusid mudan dhammaadkii bishii May ee sannadkan doon ka baxdey magaalada Boosaaso inay ku degtay biyaha isku xira Boosaaso iyo Yemen, waxaana ku geeryooday 45 qof.

Iman Jama