4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Madaxweyne Biixi oo ka hadlay qoraallo Soomaaliya u gudbisay beesha caalamka

 

Isniin, June, 25. 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay waraaq Soomaaliya u qortay beesha caalamka oo ay ka dalbanayso in dhaqaalihii gaarka loo siin jirey laga joojiyo.

Waxaanu sidaas ka sheegay kormeer kadis ah oo uu ku tagay wasaaradda Maaliyadda, waxaanu ku guubaabiyey in dhaqaalaha kor loo qaado.

“Dhibaatada jirta waxa inoo dheer dagaalka Soomaaliya inoo dhexeeya oo muddadii 27-sano ahayd ee aynu qaranka goonnida isu taagay ahayd dagaalka ay inala galeen baa ka weyn 30-kii sano ee hore dagaalkii naf iyo maalba lahaa ee ay inala galeen, iyada oo marka horeba aanay sadaqo wax lagu faano ahayn oo ay ceeb iyo yax-yax tahay inaynu baryo ku hadalnaa, ayaa haddana tii (Deeqdii) lafteedii la isugu yimi oo waxa ay yidhaahdeen waxan yar ee Somaliland aad siinaysaan yaan la siinnin, qolada wax bixinaysaana waxa ay yidhaahdeen ma ahee sidoodii aanu ku wadno, saakana Afartii gobol qoraal bay wada saxeexeen ah Somaliland yaan waxba la siinin, waxaas oo dagaal ahna waxa aynu kaga baxaynaa innaga oo Ilaahay maskaxda uu ina siiyey iyo awooddeena ka faa’iidaysanna.”ayuu yidhi Biixii oo ka hadlayey qoraalo Soomaaliya u qortay beesha caalamka.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey shaqadda laga rabo wasaarada Maaliyadda waxa uu yidhi “Maaliyadda waxa laga doonayaa oo umaddu idinka doonaysaa inaad hal koox (One team) noqotaan oo ay fikrad ballaadhan abuurto oo isu tagto, waanan idiinkaga mahadnaqayaa horumarka aad samayseen, innagana laba hal baa la inaga rabaa inaynu saxno, inaynu kii lacagta hayey ku dhiirrano wixii sharcigu ku waajibiyey iyo inaynu waxa aynu kaas lacagta haya kasoo qaadnay aynu caddayno inaynu gaadhsiinnay kii faqiirka ahaa oo aan la ina odhan dhexdaad ku lunsanaysaa,”

Dhinaca kale,Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa ka warbixiyey shaqadda wasaaradda, isla markaana sheegay in shaqaalaha wasaaraddu labadda galinba shaqeeyaan.

“muddadii aanu joognay waxa aanu aad xoogga u saarnay kobcinta dakhliga qaranka oo aanu maamulkii cashuurraha dib u eegin iyo dib-u-habayn dheer ku samaynay, welina aanu wadno iyo cashuurradaha berriga oo iyagana aanu doonayno inaanu aad xoogga u saarno”ayuu yidhi wasiirku.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.