4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
IGAD oo shaacisay in shaqadii iyo xilkii uu ka hayay Urur gobolleedka laga eryay Col. Gabre

 

Isniin, June, 25, 2018 (HOL) – War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee urur gobolleedka IGAD ayaa lagu sheegay in shaqadii iyo xilkii uu ka hayay Urur gobolleedka laga saaray Col. Gabre ahaa La Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda ee xog-hayaha Guud ee IGAD, kaasoo xilkan loo magacaabay sanad ka hor.

Warqada oo la soo gaarsiiyay shabakada Hiiraan Online ayaa lagu war-galiyay inuu wareejiyo xafiiska iyo wixii agab ee xafiiska ku howl galayay.

Sarkaalkan oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa siweyn looga garanayaa guud ahaanba dalka Soomaaliya isaga oo siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyay dowladdihii soo maray dalka gaar ahaan laga soo bilaabo sanadkii 2006dii, waqtigii oo ay dalka soo galleen ciidamadii Itoobiya.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]