4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda

Isniin, June, 25, 2018 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo ka yimid dhanka magaalada Jowhar.

Gaar ahaan qaraxa ayaa lala beegsaday gaari kuwa dagaalka ah oo marayay agagaarka deegaanka Gololey ee duleedka Balcad.

Wararka ayaa intaa ku daraya in saddex askari ay ku dhinteen qaraxa, halka saddex kalena ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Sarkaal ciidan.

Inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ayaa muddooyinkii u dambeeyay ammaankeeda faraha ka sii baxayay, waxaana ka dhacayay weeraro toos ah iyo qaraxyo miino oo lala eeganayay gaadiidka ay saaran yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Bishii hore ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, waxaana weerarkaas ku dhintay labo xildhibaan iyo sagaal askari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]