3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Mid ka mid ah beelaha Somaliland oo shir dhaqameed uga furmay Buurta Gacan libaax


Isniin, June, 25, 2018 (HOL) - Beel ka mid ah beelaha waaweyn ee reer Somaliland ayaa shir uga furmay Buurta gacan libaaax ee gobolka Saaxil, kaasi oo ay kaga arrinsanayaan arrimo khuseeya beeshooda.

Shirkan ay qabsanayaan beesha Garxajis (Beesha Ismaciil Isaxaaq) ayaa loogu magac daray Tol-wanaaje laba, waxaana ka soo qaybgallay shan boqol iyo konton ergay oo ka kala yimid goboladda iyo dalalka dibadda, kuwaas oo iskugu jirey Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Dhalinyaro, Qurba Joog, Siyaasiyiin, Qaar kamida Xildhibaanada Golaayasha Guurtida iyo Wakiiladda iyo golaha Deegaanka.

Shirkan waxa furey Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaanu hadalo dardaaran iyo ducaba usoo jeediyey beesha shiraysa, sidoo kale, waxa ka hadlay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, Suldaan Cismaan Cadde-Gude iyoXubno kale oo kamida Madax-Dhaqameedkii iyo Ergooyinkii kasoo qayb galay Shirka, waxaan ay dhamaantood ku dheeraadeen in shirku sidii loogu tallogalay u socon doonno.

Shirkan ayaa socon doona shan cisho, waxaana laga soo saari doono qodobo khuseeya aayaha beeshoodda iyo sidii midnimada beesha loo ilaalin lahaa.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee beeshu qabsado, waxaanu ka mid yahay shir dhaqameedka inta badan beelaha Somaliland qabsato.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
6/25/2018 1:49 PM EST
Isniin, June, 25. 2018 (HOL)-Deegaannada Puntland, waxaa ku qulqulaya tiradii ugu badneyd oo tahriibayaal Itoobiyan ah, kuwaaso ujeedkoodu uu yahay siddii ay ku gaari lahaayeen magaalada dekedda leh ee Boosaaso oo ay si dhuumaaleysi ah uga tahriibaan.

6/25/2018 12:42 PM EST
Isniin, June, 25. 2018 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay waraaq Soomaaliya u qortay beesha caalamka oo ay ka dalbanayso in dhaqaalihii gaarka loo siin jirey laga joojiyo.

6/25/2018 10:56 AM EST
Isniin, June, 25. 2018 (HOL) - Magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland ayaa lugu qabtay bandhiga xeerka isgaarsiinta Soomaaliya , waxaana ka qeybgalay madaxweynaha Puntland iyo wasiirrada isgaarsiinta dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

6/25/2018 10:49 AM EST
Isniin, June, 25. 2018 (HOL)-Baarlamaanka Puntland oo Isniinta maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa meelmariyay ajandaha muddada uu socdo kalfadhiga 41 aad.

6/25/2018 10:10 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL) – War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee urur gobolleedka IGAD ayaa lagu sheegay in shaqadii iyo xilkii uu ka hayay Urur gobolleedka laga saaray Col. Gabre ahaa La Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda ee xog-hayaha Guud ee IGAD, kaasoo xilkan loo magacaabay sanad ka hor.

6/25/2018 7:49 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo ka yimid dhanka magaalada Jowhar.

6/25/2018 6:37 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Jabuuti.

6/25/2018 3:17 AM EST
Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa lagu qabtay dood cimliyeedka Fagaaraha Forum qeybtiisa 28-aad, taas oo lagu lafa guray in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, maadaama madaxda dowladda Federalka iyo maamul goboleedyadu isla garteen in doorasha la qabto. Doodan waxaa ka soo qeyb galay Senator Ayuub Ismaaciil Yusuf oo ka tirsan aqalka sare ee golaha shacabka, Xuseen Caydiid oo hore u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo ra'isul wasaare ku xigeen, Zaynab Xasan oo ah aqoonyanahad, cilmi baare iyo la taliye madax bannaan iyo Prof. C/llaahi Osman Xiirey oo ahaa la guddoomiyihii guddiga doorashada ee sanadkii 2012.

6/25/2018 1:28 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)-Shir looga hadlayay arimaha Beeraha oo ay ka soo qeybgakeen aqoonyhano Soomaaliyeed oo ka kala yimid meelo kala gadisan ayaa manta lagu soo xiray magaalada Columbus Ohio ee dalkan Mareyknka.

6/25/2018 12:47 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay dadka looga shakiyey iney ku lug leeyihiin qaraxi Sabtidi lala beegsaday dad dibadbax ka sameeynayey magaalada Addis Ababa ay tiradoodu gaadhay 30 qof baadhitaanna uu ku socdo.

6/25/2018 12:21 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)-Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku sugan magaalada Kigali ee dalka Rwanda, kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame.

6/25/2018 12:14 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Turkiya ka dhacday.

6/25/2018 12:03 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)-Recep Tayyip Erdogan ayaa marki labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi Turkiga oo la tiriyey codadki doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.