Sabti, June, 23, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kormeer kadis ah ku tagay
Dugsiga Tababarka ee Jen. Gordon oo horay ay u maamuli jireen Imaaraadka
Carabta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay
dejisay qorsheyaal muhiim u ah dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.
Isagoo la hadlayay Guutada 14-ka Oktoobar ee
ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayuu ku bogaadiyey Saraakiisha Soomaaliyeed ee
u istaagay in ay soo saaraan geesiyaal dhallinyaro ah oo ay ka go’antahay xoreeynta
dalka iyo in ay shacabka Soomaaliyed ka dul qaadaan dhibaatada ay ku hayaan
argagixisada Alshabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri geliyey
ciidankan oo dhawaan ku wajahan furimaha dagaalka, sida ay u ajiibeen baaqiisii
ku saabsanaa difaaca dalka “Waxaan idin ku ammaanayaa in aad ajiibteen
codsigaygii ku saabsanaa in la helo mutadawiciin ka qeyb qaata difaaca dalka,
Waxaan rajeynayaa in aad noqotaan kuwii ka xoreeyn lahaa dalkan nabaddiidka
caadeeystay in ay si arxan darro ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.”
Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray
Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Guutada 14ka Oktoobar,
kaydka saanadda iyo saheyda ciidanka, rugta caafimaadka ee dugsiga Janaraal
Gordon iyo goobaha ay ku tababartaan ciidanku.
Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehliyey
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Mudane Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka
Xoogga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliye Ku Xigeennada iyo
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]