Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee
dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan Shir Madaxeed deg-deg ah
oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, hoggaanka Midowga Afrika iyo
Qaramada Midoobey ay kaga arrinsanayaan xasilinta dalka Koonfurta Suudaan.
Hoggaamiyeyaasha 8da dal ee ku
mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirka socanayo, waxa ay dib u
eegis ku sameyn doonaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku saabsan dib-u-soo
celinta nabadda Koonfurta Suudaan, qodobadii laga fuliyey heshiisyadii horey ay
u kala saxiixdeen dhinacyadii ku dagaallamay dalkaas iyo caqabadaha haatan
hortaagan in ay ka hana qaaddo xasillooni buuxda.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor
dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku
saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan
colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada
xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.
Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya ayaa qeyb ka ahayd dadaalladii diblumaasiyadeed ee lagu wajahayey
colaaddii sokeeye ee ka qaraxday dalkaas dabayaaqadii 2013kii, tan iyo
wakhtigaasna Soomaaliya waxa ay kaalin muuqata ka qaadaneysay qorshayaasha iyo
shirarka ku saabsan xal u helista dhibaatooyinka dib u dhigay hor-u-socodka
Suudaanta Koonfureed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]