4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2018
Gudoomiyaha xisbiga WADDANI oo ku baaqay in colaadaha jira nabad lagu dhameeyo

 

Arbaco, June, 20, 2018 (HOL) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii afartan cisho ku maqnaa dalal ku yaalla Yurub.

Gudoomiyuhu wuxu sheegay inuu ka qaybgalay shirar kala duwan, waxaanu sheegay in dalalkii uu tagay kala hadlayey qadiyada Somaliland, arrimaha amaanka, horumarka iyo doorashoyinka Somaliland.

Gudoomiyuhu wuxu sheegay in uu diyaar u yahay inuu ka qaybgalo doorashooyinka soo socda, haseyeeshee wuxuu xusay inuu kalsoonidii kala noqday Komishankii doorashooyinka oo aanay suurogal ahayn inay doorasho qabtaan Komishanka hadda joogaa

“Illaahay waxaan ka baryeyaa inuu colaadaha inaga damiyo haday tahay Ceel afweyn iyo haday tahay kuwo Tuko raq-ba, laakiin xisbigu qarankiisa iyo ciidankiisab si buuxduu u garab joogaa, waxaanu ku talinayaa in dhamaan colaadaha nabadeenno.”ayuu yidhi Cirro.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.