Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee QM oo wadajir u daah furay shirka magaalada Oslo
Talaado, June, 19, 2018 (HOL)
-Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,
Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha
dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wadajir ah uga furay
magaalada Oslo Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta Xasaradaha
caalamka.
Ra’iisul Wasaare Xassan Cali
Khare oo kulanka khudbad ka jeediay ayaa aad ugu nuux-nuuxdsay sida ay muhiim u
tahay in xasaradaha la dejiyo oo nabad loogu wada noolaado dunida oo dhan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada
Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie
Eriksen Søreide, ayaa inta uusan shirku furmin waxa ay si warbaahinta kula
hadleen afaafka hore ee xarunta uu shirku ka socdo, iyada oo Ra’iisul Wasaare
Khaye uu uga mahadceliyay dawladda Nowray casuumaadda shirkaan muhiimka ah.
António Guterres iyo Ine Marie
Eriksen Søreide ayaa ku ammaanay Dawladda Soomaaliya shaqada wanaagsan ee ay
hayso iyo sidoo kale barnaamijka xukuumadda ee ku dhisan isla xisaabtanka,
daah-furnaanta iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.
Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah
la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay Madasha Oslo ee dalka
Norway.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]