4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo shir jaraa’id wada jir u qabtay

 

Sabti, June, 16, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya kaddib labada mas’uul waxaa ay shir jaraa’id wada jir ugu qabteen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta booqasho  uu ku yimaado Magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in booqashadda Abiy Ahmed ay tahay mid taariikhi ah oo xoojin doonta xirirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in labadal uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in booqashadiisa ay salku ku heyso sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadal.

Sidoo kale waxaa uu xusay in labadal dal ay iskashaadan doonaan la dagaalanka argagixisadda islamarkaana Itoobiya dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto la dagaalanka Shabaab.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis ku aadan dhanka waxbarashadda, Caafimaadka, Ammaanka iyo Kabaayaasha dhaqaallaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]