4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2018
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya oo saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho

 

Sabti, June, 16, 2018 (HOL)–Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wafdi ballaaran oo ka socda dalka Itoobiya oo uu horkacayo ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Abi Ahmed ayaa tan iyo markii la doortay ku jiray booqasho uu ku tagayay wadamada dariska la ah Itoobiya, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha cusub ka shaqeenayay xoojinta xiriirka Itoobiya la leedahay wadamada dariska ah.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la xiray wadooyinka magaalada oo loo diiday in ay maraan gaadiidka dadweynaha , waxaana wadooyinka qaar lagu arkayaa ciidamo cusub.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]