4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2018
Muslimiinta dunida oo maalintii labaad u dabaal-dagaya munaasabada Ciidul-Fidriga

 

Sabti, June, 16, 2018 (HOL) – Guud ahaan dunida Muslimka ayaa maalintii labaad si weyn ugu dabaal-degaya munaasabada Ciidul-Fidriga , oo maalintii shalay siweyn loogu dabaal-degay maalintii Koowaad.

Dadka Islaamka ah ayaa mudo 29 maalmood ah gudanayay waajibaadka iyo kheyraadka ku jira bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna maanta u dabaaldegayaan Ciidul-Fidriga.

Gaar ahaan marka la eego dadka reer Muqdisho ayaa cabasho weyn ka muujinaya xernaashaha jidadka magaalada Muqdisho madaama aan la ogoleyn dhaqdhaqaaqa gaadiidka qeybo ka mid h caasimada, waxaana la arakaya dadka oo lugtooda maalaya si ay u gaaraan goobaha farxada iyo damaashaadka.

Maanta ayaa sidoo kale siweyn loo adkeeyay Ammaanka Muqdisho,maadaama lagu waddo in uu magaalada Muqdisho wafdi ka socda Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]