4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
Masar oo Guul Darro xanuun badan kala kulantay Kooxda Kubadda Cagta Uruguay

 

Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)- Waxey aheyd Guul darro aysan u fadhiyin Xulka Kubadda Cagta dalka Masar marka la eego waqtiga leysla soo gaaray Xiddigaha Kubadda Cagta Uruguay oo 1-0 si dirqi ah daqiiqihii ugu danbeeyay ku badiyay.

Xulka Uruguay guusha ay ku naaloonayaa waxaa daqiiqadii 89 u dhaliyay daafaca Atletico Madrid cayaaryahanka lagu magacaabo Jose Gimenez

Mohamed Salah xiddiga reer Masar oo si gaar ah isha loogu wada hayay garoonka ayuu ku sugnaa cayaartana Idhaha ayuu ku hayay, siweyn ayuu ugu faraxsanaa sida ay u cayaareen xiddigaha reer Masar oo ku dhawaaday in ay 0-0 ku celiyaan Uruguay, laakiin Mohamed Saalax ayaa siweyn uga naxay gool markii danbe ay dhaliyeen wiilasha reer Uruguay.

Laakiin dhinaca kale marka la eego wiilasha reer Uruguay kama aysan fileynin kubadda ay soo bandhigeen Xiddigaha reer Masar oo goolka daqiiqadihii ugu danbeeyay cayaarta ay heleen waxaa ka  soo fujiyay neef weyn.

Is araga soo socda Group-kan Masar waxaa ay kulmi doonaan xulka dalka marti-galinaya cayaaraha ee Ruushka waxaana ay Masar u baahan tahay in ay badiso.

Dadka sida weyn cayaaraha ugu dhuun-daloola ayaa rumeysan in  tababaraha Masar gar iyo gardaro intaba uu soo safi doono Mohamed Saalax Kulanka Ruushka madaama is-aragasa uu yahay mid ku xiran in Xiddigaha reer Masar ku soo sugnaanayaan Moscow iyo in kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]