4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
QM iyo AMISOM oo hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed

 

Jimco,  June, 15, 2018 (HOL)– Danjiraha Gaarka ah ee xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciiddul Fidriga.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay Ciid farxadeed.

Keating ayaa sheegay in uu u rajeynayo dadka Soomaaliyeed waqtigan gaarka ah ee ka midka ah sanadka uu farxad badan u keeni doono dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, uuna kobcin doono nabadda iyo barwaaqada ee guud ahaan dalka.

Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) ahna madaxa AMISOM, Ambassador Caetano Jose Madeira ayaa salaan diiran ugu deeqay dadka iyo dowladda Soomaaliya, munaasabadda Ciidul Fitriga awgeed.

“Bishan barakaysan ee Ramadaan wuxuu nagu dhiirri-geliyaa nuqul ka mid ah wadaagidda, is-xakameynta, midnimada iyo dib-u-heshiisiinta. Safarkan ayaa lagama maarmaan u ah sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada qaran, oo muhiim u ah nabadda iyo xasiloonida joogtada ah ee Soomaaliya, ” ayuu yiri Ambassador Madeira.

Danjire Madeira wuxuu ku ammaanay xukuumadda Soomaaliya hoggaaminteeda iyo ciidamada Ammaanka Qaranka Soomaaliya sida ay u sugeen amniga muddadii lagu jiray bisha barakaysan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]