4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
Madaxweynaha Soomaliya oo digniin u diray Al-shabaab

 

Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo jeediyay khudbad uu ugu talagalay munaasabada Ciidda ayaa ayaa si gaar ah diirada u saaaray Amniga magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in  amniga dalka guud ahaan gaar ahaa magaalada Muqdisho caqabad ku yihiin Al-shabaab, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortago weerarada Al-shabaab.

“Waxaan u mahad-celinayaa ciidamada qalabka sida oo ah ciidamada xasilinta, oo habeen iyo maalin u taagnaa sidii shacabka ay uga difaaci lahaayeen qolooyinkan hororka ah oo caadeystay in ay qaraxyo ka geystaan magaalada Muqdisho oo ay ku laayaan shacab, Culimo, Ciroole iyo Dumarba.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka shaqeyneyso sidii ay magaaladan ugu soo dabaali laheyd ammaan iyo xasilooni, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nolol wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ururka Al-shabaab uga digay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna uga baaqay in ay ka waantoobaan arrimahaasi, oo ay joojiyaan daadinta dhiigga.

“Waxaan uga digayaa kooxaha argagixisada ah in ay ka waantoobaan oo ay joojiyaan dhibka ay shacabka ku hayaan, waxay dowladda ka shaqeyneysaa sidii ay uga hortagi laheyd falalkaasi argagixisada ah,” ayuu markale yiri madaxweynaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]