Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidul-Fidriga
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)– Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta
oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fitriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga
u rajeeyey in ay ku gaaraan caafimaad iyo nabad buuxda.
“ Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo caalamka ay
ka joogaan, waxaan ku sallaamayaa Salaanta Islaamka, waxaan leeyahay Hambalyo
, Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga
in uu nagu gaarsiiyo caafimaad iyo nabad buuxda” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo
Madaxweynaha JFS, ayaa ciidamada qalabka sida,
gaar ahaan ciidamada xasilinta uga mahad celiyey sida ay ugu dhabar adeegeen in
Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan kooxda Alshabaab.
“Waxaan u
mahad celinayaa ciidamada qalabka sida, ciidamada xasilinta oo habeen iyo
maalin u taagnaa siddii Shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen kooxaha
nabada ka so horjeeda” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa Shacabka
Soomaaliyeed uga mahad celiyey la shaqeynta ciidamada xasilinta, waxaana uu
xusay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto siddii magaaladda Muqdisho
loogu soo dabaali lahaa ammaan iyo xasilooni.
“Waxaan u mahad celinayaa Shacabka Soomaaliyeed
oo la shaqeeyey ciidamada xasilinta oo u dul qaatay culeysyada uga yimid
isu-socdka magaaladda, waxaa ay dowladda ka shaqeyneysaa siddii magaaladaan ay
ugu soo dabaali laheyd ammaan iyo xasilooni, waa loo baahan yahay
wada-shaqeynta ciidamada qalabka sida iyo Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri
Madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale sheegay
“Waxaan uga dagayaa Al-shabaab in ay ka waan toobaan oo ay joojiyaan dhibka ay shacabka
ku hayaan, waxaa ay dowladda ka shaqeyneysaa siddii ay ugu hortagi laheyd
falalkaas argagixisinimada leh, ayna ku yareen laheyd dhibaatooyinka Shacabka
Soomaaliyeed uga imaanaya Al-shabaab iyo kooxaha la mid ka ah yiri madaxweynaha
Soomaaliya
Ugu Dambeyn Madaxweyne Farmaajo, ayaa Ummadda
Soomaaliyeed ku booriyey in laga wada shaqeeyo Nabadda , ayna isku xariistaan, maalinta
Ciidda ahna ay kuwada Ciiddaan Jawi wanaagsan oo farxad leh.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]