4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2018
Qaar ka mid ah dunida Muslimka oo ku dhawaaqay in maalinta Berri ah tahay maalinta 1aad Ciidul-Fidriga

 

Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)– Iyadoo siweyn isha loogu wada hayo guud ahaan dunida Muslimka gaar ahaan dalka Soomaaliya, ayaa dhinaca kale dalalka Muslimka qaarkood waxaa ay ku dhawaaqeen in maalinta Berri ah tahay maalinta 1aad ee Ciidul-Fidriga.

Dalalka Sacuudiga, Qadar, Indonesia iyo Pakistan  ayaa ku dhawaaqay in maalinta Berri ah ay tahay 1-da Bisha Shawaal sidoo kalena loo dabaal degayo Munaasabadda Ciidul Fidriga.

Ummadda Islaamka ayaa soo Soomnaa 29 Berri oo bisha Ramadaan ah, waxayna ka faa’ideysteen kherka iyo barakada ku jirta bishan,iyaga oo hadana si aad ah ugu diyaar garoobaya Munaasabadda Ciidul Fidriga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]