3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2018
Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday rag loo haysto boobkii Xeradii Imaaraadka

 

Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)– Xafiiska xeer illaalinta ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeeyay 15-shaqsi oo ka mid ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  gaar ahaan kuwa ka mid ah ciidamadii horey u taba-bareen Imaaraadka in ay abaabuleen dhac loo gaysto  keydka dugsiga oo ay ku jireen agabka ciidamada.

Eedeysanayaasha ayaa ahaa saraakiil xigeenada dugsiga iyo bare ka mid ahaa saraakiisha ciidamada ay dowladda Imaaraadka ugu tala gashay in uu barro xirfadda Ciidamada ay ku taba-bari jireen dugsiga  Jen, Gordan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda hor keenay markhaatiyaal ka mid ah  ciidamada & saraakiisha kale ee ku jiray dugsiga, sidoo kale Maxkamadda ayaa dhageysatay eedeysanayaasha oo iyaga laftooda la weydiiyay dambiyada ay galeen jiritaankooda.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan kaliya aan loo ciqaabin dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna sheegeen in abaabulka dambiyada loo heysto ay ka weyn-tahay eedeysanayaasha, sidaas darteed ayay ka codsadeen  garsoorayaasha Maxkamadda in loo naxariisto  isla markaana la siiyo xurriyadooda.

Maxkamadda oo tix gelineysa cadeymihii horey looga qoray Eedeysanayaasha, Markhaatiyaasha iyo Gal-dacwadeedka   la horkeenay Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaratay xukunnada kala ah ;-

“Seddax Alifle Xoogga dalka Yaasiin Ibraahim Aadan hal-sano oo xabsi Ciidan ah

Maxammed Cabdi Sabriye oo shacab ah hal-sano oo xabsi Ciidan ah.

Halka 5-ta kale oo iyagana isku daraja ah lagu wada xukumay 6-bil oo Xabsi Ciidan ah.

Maqanayaal kale oo uu ku jiro Macalimkii dugsiga lagu wada xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah.

Waxa ayna kala yihiin;-Seddax Alifle Xoogga dalka Ismaaciil Abuukar Muudey, Cali Maxammed Xasan, Qaaasim Ibraahim Aadan, Xuseen Maxammed Cusmaan, Maxamuud Muuse Yuusuf.

Sida uu xaqiijiyay Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan  Wabiyow oo kamid ah Garsoorayaasha  Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda ayaa sii deysay   Cabdullaahi Xasan Diiriye  oo ahaa shacab da’diisu ay yartahay.

Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan  Wabiyow ayaa  sidoo kale sheegay in  ciddii aan ku qanacsaneen xukunka ay u furantahay Racfaan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/14/2018 2:50 PM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul-Fitriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey in ay ku gaaraan caafimaad iyo nabad buuxda.

6/14/2018 1:20 PM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Iyadoo siweyn isha loogu wada hayo guud ahaan dunida Muslimka gaar ahaan dalka Soomaaliya, ayaa dhinaca kale dalalka Muslimka qaarkood waxaa ay ku dhawaaqeen in maalinta Berri ah tahay maalinta 1aad ee Ciidul-Fidriga.

6/14/2018 11:57 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)– Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

6/14/2018 8:05 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL) – Waxaa maanta dalka Ruusha si rasmi ah uga furmaya tartanka Kubadda Cagta Aduunka iyadoo lugta ugu horeysay ee tartankan ay isku arki doonaan kooxaha kubadda Cagta dalalka Russia iyo Saudi Arabia.

6/14/2018 5:59 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Rabshado mar kele sababay in albaabada loo laabo guud ahaan ganacsigii magaalada ayaa ka bilaabmay badhtamaha magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

6/14/2018 5:44 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Wasaaradda Arrimaha dibadda Britain ayaa soo saaray digniin ku socta muwaadiniintooda in ay u safraan Soomaaliya iyo deegaanada Somaliland, iyadoo loogu baaqay muwaadiniinta ku sugan inay isaga tagaan.

6/14/2018 3:39 AM EST
Waxaa shalay galab lagu daahfuray magaaladda Minneapolis buugg loogu magac daray Lion’s Binding Oath oo uu qoray qoraaga Axmed Ismaaciil Yuusuf.

6/14/2018 3:30 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi aan lagaqaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubka Nukliyeerka ah.

6/14/2018 2:44 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay xalay mid ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir.

6/14/2018 2:34 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Saddex Carruur walaalo ah ayaa ku geeriyooday dab xalay ka kacay xero barakacayaal oo ku taal degmada Wadajir, meel aan ka fogeyn Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

6/14/2018 1:49 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa xalay toogasho ku dilay nin ka tirsanaa Al shabaab oo weerar ku qaaday askar ka tirsan ciidamada.