4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 14, 2018
Minnesota,Daahfurka Buugga Lion’s Binding Oath uu Qoray Axmed Ismaaciil Yuusuf, SAWIRO & VIDEO

Khamiis Jun 14 2018 (HOL) Waxaa shalay galab lagu daah furay magaaladda Minneapolis buug loogu magac daray 'Lion’s Binding Oath, oo uu qoray qoraaga Axmed Ismaaciil Yuusuf oo dagan magaaaladda kana mida macalimiinta ka dhiga dugsiyadda sare ee dadwaynaha ee Minneapolis.

Axmed wuxuu keenay dukaan buugaagta lagu gado buug uu qoray oo uu ku magacaabay, “Lion’s Binding Oath,” ama “Wacadkii Libaaxa.” Axmed oo la hadlaayey dad ay tiradoodu gaadhayso lixdaneeyo Soomaali iyo Maraykanka kaleba isugu jirta, wuxuu dulmaray xogta buugani sido. Wuxuu tibaaxiyey in ay buuga ku qoron yihiin sagaaal sheeko oo uu ku magcaabay “Sheekooyin Tuban;” waayo wuxuu af-Soomaali ahaan ku saluugey “Short stories,” oo ah magaca badi loo yaqaan buuggta noocan ah. Buugan oo ku qoran luuqada Ingiriiska wuxuu wax ka taabanayaa, dhaqanka miyigi iyo tan Soomaalida Xoolo dhaqatada ah. Wuxuu kale oo u aad uga hadlayaa hayb-sooca iyo ibtiladiisa, waxa ku xigga qab uu ku eedaynaayo qaabiilka iyo markii darxumada waddanku bilaabatay, wuxuuse ku soo gabagebeynayaa qaxii.

Qoraa Axmed sheekada ugu horeysa wuxuu sheegay inuu uga dan laa sida xoola raacadda Soomaaliyeed cadowgoodu ahaa dugaaga iyo doog la’aanta. Taasi oo ku tusaysaa in ummaddu ay la dagaalamaysey debeecada degaanka.

Qoraagu wuxuu ul la dhacayaa dhaqanka haybsooca oo uu tusaayo sida uu garaad la’aan iyo garasho hallowsan salka ugu hayo. Wuxuu taas ku muujinayaa gabadh la yidhaahdo Mayxaano oo Alla ku maneystay qurux, qiimo iyo tacliinba, oo nin waliba robo inuu taabo tafteeda ama hilaaca ka baxay baxnaasho, laakiin ninna aanu awoodin inuu u  guri geesto.

Axmed wuxuu kale oo uu aad uga hadlayaa buuggiisa hagardaamada qabiilka iyo dhibtaatada uu reebo. Waxaa uu taana u adegsanyaa sheeko uu ku soo qaadanayo laba inan oo mataano ah oo dagaaladii Soomaaliya ka dhacay hagardaamo ka soo gaadheyso markii reerkii aabahood ka dhashay iyo kii hooyadood ka dhalaatayba ka qayb qaateen dagaaladii sokeeye.

Buuggaa waxaad ka heli kartaa: Order IndieBound & Amazon

Halkana ka eeg meelaha Axmed buugaa ku soo bandhigidoono dhawaan : https://www.catalystpress.org/events/

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN