4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2018
Maraykanka oo shuruud ku xiray qaadidda cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi

 

Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)– Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi aan lagaqaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubka Nukliyeerka ah.

Pompeo oo magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada koonfureed uu kula kulmay dhigiisa dalkaasi iyo Japan ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadda Pyonyang ay ka go'antahay inay fuliso arrintaasi.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo waxa uu u tegay Seoul oo ah caasimadda Kuuriyada Koonfureed si uu ugu qanciyo dalkaasi iyo Japan in heshiiska taariikhiga ahaa ee dhex maray Trump iyo Kim Jong-Un uu dan uu yahay dhinacyada oo dhan.

Waxa uu sheegay inuu rajaynayo inuu arko Kuuriyada Waqooyi oo gebi ahaanba burburisay hubkeeda khatarta ah marka la gaaro dhammaadka sanadka 2020-ka.

Dalal uu ka mid yahay Japan ayaa shaki ka muujiyay qaabka loo hirgelinayo heshiiska dhex maray Trump iyo Kim, waxaana ay sheegeen in aanay ku caddeyn heshiiskaasi xilli Pyongyang looga fadhiyo inay burburiso hubkeeda wax gumaada.

Balse Pompeo ayaa carrabka ku adkeeyay in aan Kuuriyada Waqooyi cunaqabateynta laga qaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubkaasi.

Waxa uu intaas ku daray in Maraykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ay ka go'an tahay xaqiijinta hub ka dhigidda xukuumadda Pyongyang.

Warbaahinta Kuuriyadda Waqooyi oo ka hadashay heshiiska ayaa sheegtay in la isla meel dhigay in tallaabo tallaabo loo fuliyo, oo si talantaali ah uu dhinacba markiisa uga soo baxo waxyaabaha looga baahan yahay, taasoo khilaafsan waxaa uu hadda sheegayo xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo.

BBC