3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2018
Ciidamada dowladda oo xalay toogasho ku dilay qof ka tirsanaa Ururka Al-shabaab magaalada Beledweyne

 

Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa xalay toogasho ku dilay nin ka tirsanaa Al shabaab oo weerar ku qaaday askar ka tirsan ciidamada.

Ciidamada dowladda ayaa ku toogtay ninkan xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne kaddib markii uu rasaas ku weeraray Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Carab Yuusuf Nuur oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay toogteen ninkan kadib markii uu dhaawacay askari ka tirsan ciidamada.

Ciidamada dowlada  ayaa  ku jira foojignaan dheeraad ah inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan oo Al-shabaab inta badan ay kordhiyaan weerarrada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/14/2018 2:50 PM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul-Fitriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey in ay ku gaaraan caafimaad iyo nabad buuxda.

6/14/2018 1:20 PM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Iyadoo siweyn isha loogu wada hayo guud ahaan dunida Muslimka gaar ahaan dalka Soomaaliya, ayaa dhinaca kale dalalka Muslimka qaarkood waxaa ay ku dhawaaqeen in maalinta Berri ah tahay maalinta 1aad ee Ciidul-Fidriga.

6/14/2018 11:57 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)– Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

6/14/2018 11:12 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)– Xafiiska xeer illaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeeyay 15-shaqsi oo ka mid ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka mid ah ciidamadii horey u taba-bareen Imaaraadka in ay abaabuleen dhac loo gaysto keydka dugsiga oo ay ku jireen agabka ciidamada.

6/14/2018 8:05 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL) – Waxaa maanta dalka Ruusha si rasmi ah uga furmaya tartanka Kubadda Cagta Aduunka iyadoo lugta ugu horeysay ee tartankan ay isku arki doonaan kooxaha kubadda Cagta dalalka Russia iyo Saudi Arabia.

6/14/2018 5:59 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Rabshado mar kele sababay in albaabada loo laabo guud ahaan ganacsigii magaalada ayaa ka bilaabmay badhtamaha magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

6/14/2018 5:44 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Wasaaradda Arrimaha dibadda Britain ayaa soo saaray digniin ku socta muwaadiniintooda in ay u safraan Soomaaliya iyo deegaanada Somaliland, iyadoo loogu baaqay muwaadiniinta ku sugan inay isaga tagaan.

6/14/2018 3:39 AM EST
Waxaa shalay galab lagu daahfuray magaaladda Minneapolis buugg loogu magac daray Lion’s Binding Oath oo uu qoray qoraaga Axmed Ismaaciil Yuusuf.

6/14/2018 3:30 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi aan lagaqaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubka Nukliyeerka ah.

6/14/2018 2:44 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay xalay mid ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir.

6/14/2018 2:34 AM EST
Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Saddex Carruur walaalo ah ayaa ku geeriyooday dab xalay ka kacay xero barakacayaal oo ku taal degmada Wadajir, meel aan ka fogeyn Garoonka diyaaradaha Muqdisho.