4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2018
Jaaliyada Norway oo $ 66, 813,00 oo dollar ugu deeqay dadkii ay fatahaadu ku dhufatay ee Beledweyne


Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) – Jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway ayaa ugu deeqday lacag dhan $ 66, 813, 00 dollar qoysaskii ay saameynta weyn ku yeelatay fatahaadii uu dhawaan sameeyay Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne.

Deeqday ayaa waxaa qeybiyay guddiga gurmadka fatahaada ee heer gobol, waxaana ka faa’ideystay Boqolaal Qoys oo lacagtan u helay min $ 50 dollar, gaar ahaan dadka deeqdan la gaarsiiyay ayaa isugu jiray Agoon iyo waliba dadka aan lixaadkoodu dhameyn.

Guddigga gurmadka Abaaraha iyo dadkii ka faa’ideystay ayaa labadaba uga mahad celiyay Jaaliyada Norway deeqday ay soo gaarsiiyeen waqti waliba dadku ay u diyaar-garoobayaan munaasabada Ciidda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]