4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2018
Dalalka marti-galinaya Koobka aduunka sanadka 2026ka oo lagu dhawaaqay

 

Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) – Waxaa lagu wadaa in dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico ay si wadajir ah u marti gelinayaan Koobka Adduunka ee sanadka 2026 dhici doona, kaddib cod bixin ka dhacday dalka Ruushka oo berri ka furmaya Koobka Adduunka ee sanadkan.

Cod bixinta loo sameeyay saddexdan dal oo la isku yiraahdo Waqooyiga Ameerika iyo Morocco ayaa ugu dambeyn 134 dal waxay u codeeyeen saddexdan dal, halka Morocco ay heshay 65.

Koobka Adduunka ee sanadka 2026 ayaa waxaa markii u horeysay ka qeyb galaya 48 dal, halka iminka ay ka qeyb galayaan 32 dal.

Sanadka 2022 ayaa koobka Adduunka waxaa marti gelinaya dalka Qatar, waxaana uu noqon doona dalkii u horeeyay ee Carbeed ee Koob Adduun lagu qaban doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]