Faransiiska iyo Talyaaniga oo isku khilaafsan aragtida soo dhaweynta Muhaajiriinta
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)-Dowladaha
Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa billaabay eedeymo ay warbaahinta isu marinayaan
kadib markii dhawaan Talyaanigu uu diiday in Dalkiisa uu ku soo xirto Markab
siday dad muhaajiriin ah.
Giuseppe Conte oo ah Raiisul wasaariha dalka
Taliyaaniga ayaa si kulul uga jawaabay eedeeyn uga timid madaxwaynaha
Faransiiska Emmanuel Macron,taasi oo ku aadan diidmada Talyaaniga ee soo
galootiga.
Madaxweyne Macaron ayaa dhaleeceeyay Taliyaaniga
ka dib markii ay diideen in dalkoda uu ku soo xirto Markab siday muhaajiriin
laga soo badbaadiyay badda Mediterranean-ka.
Af-hayeen u hadlay madaxwayne Macron ayaa sheegay
in go’aanka Taliyaaniga uu yahay mid xushmad darro ah islamarkana qayrul
masuulnimo ah.
Balse raiisul wasaaraha dalkaasi Talyaaniga Mr
Conte ayaa sheegay in Taliyaaniga uusan aqbali Karin casharo munaafuqnimo oo ka
yimid dalal mar waliba door bidi jiray in ay dhabarka u jeediyaan soogalootiga.
Markabkabkani lagu magacaabo Aquarius, ayaa wali
ay arrintiisu taagan tahay iyada oo ay jirto in dowladda Spain ay ogolaatay in
uu ku soo xirto dekadda magaalada Valencia.
Shaqaalaha markabkani ayaa waxa ay sheegeen in
markabkani uusan gali Karin saddex maalmood oo safar ah iyada oo ay dad badan
saaran yihiin.
Dowladda Spain ayaa aqbashey in dalkeeda uu ku
soo xirto markabkaasi,kumanaan tahriibayaal ah ayaa ku sii qulqulaya Qaaradda
Yurub,kuwaasi oo intoodi badan ku dhamaanaya badda Meditraniamka oo isku xirta
Afrika iyo Yurub
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]