Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo
xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu
baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka
ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo
wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada
iyo dabar-gooynta fikradaha dib u dhigay dowladnimadeenna, oo ay ka mid yihiin
qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada.
Madaxweynaha ayaa yiri “Argagixisadu waxa ay ka
macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta
culumada diinta iyo hormuudka bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo
mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno
argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”
“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay hibo u leeyihiin
dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku
soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata
magaceenna. Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo
afkaarahooda gurracan.”
Dhanka kale, Culumada oo la wadaagay Madaxweynaha
aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, ayaa
bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka
Soomaaliya.
Culumada ayaa sheegay in ay kalsooni ku qabaan
dadaallada ay dowladdu ku bixineyso dib-u-habeynta garsoorka, ilaalinta
madax-bannaanida dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo-celinta boqolaalka
dhallinyarada ah ee ku dhibaateysan xabsiyada shisheeye.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey culamadii ka
soo qayb gashay kulankan sida ay u ajiibeen marti qaadkan, isagoona tilmaamay
sooyaalka ay culumada Soomaaliyeed ku leeyihiin gobonnimo doonkii dalka iyo dadaallada
ay haatan ku bixiyaan wacyigelinta, faafinta cilmiga, xoojinta amniga iyo
toosinta dhaqanka bulshada.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]