4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2018
Wararkii ugu danbeeyay Al-shabaab oo weerar ka geystay degmada Qansax-Dheere

 

Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku geeryoodeen Laba ka mid ah ciidamadii ku sugnaa fariisinka, halka ay ku dhaawacmeen laba kale.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in aysan jirin intaa dhaafsiisan weerarka ka soo gaaray ciidamadooda, waxaana ay tilmaameen in lagu daba jiro raggii weerarka ka geystay degmada Qansax-dheere.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira weerarka ay xalay ku qaadeen ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Qansax-dheere.

Dhinaca kale Shabaab ayaa duleedka deegaanka Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay fiidnimadii xalay ku gubeen gaari Qaad siday, iyada oo ay halkaasi ku geeryoodeen afar qof oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga saarnaa.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo guud ahaanba saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobollada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]