4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2018
Ciidamo dheerad ah oo ka howlgallaya maalmaha ciidda magaalada Garoowe,taliyaha booliska ayaa xaqiijiyay

 

Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Booliska Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada xarunta ah ee Garoowe, howlgallada waxaa lugu xaqiijinnaya amniga,iyadoo goobaha laga tukaamaysto la geeyay boolis suga amniga,sida u xaqiijiyay taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal.

"Maaddama lugu jiro tobanka dambe ee bisha Ramadaan, waxaan rabnaa dadka inay farxad ku dhammeystaan oo ay amni ku ciiddan.. waxaan howlgallinay ciidammadii oo dhan suuqyada iyo meelihii shaqadda ay ka socotey ayaan geynay,amnigana muhiimad ayuu noo leeyahay." ayuu yiri Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galangooli) taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal.

Illaa lix-dan dhallinyaro ah ayaa lugu soo qabtey howlgalladii la sameeyay maalmihii u dambeeyay,kuwaas dhac iyo falal amni xumo u xiran, waxaa ku socda baaritaan,sida u sheegay taliyaha qeybta,wuxuuna xaqiijiyay in maalmaha ciidda ciidammo dheerad ah ay ka howlgalli doonan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, si loo xaqiijiyo nabadgalyadda.

Taliyaha qeybta booliska, wuxuu caddeeyay in la xirey baraha kantaroollada ee laga soo galo Garoowe, isagoo sheegay in baaritaanno dheerad ah la marin doonno gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya, arrintan waxay ka dambeysay markii ay soo baxeen warar sheegaya in gaadiid lugu diyaariyay waxyaabaha qarxa ay soo galeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug." Way na soo gaartey xogta ah gaadiid la sheegay in lugu soo xiray waxyaabaha qarxa.. meelaha laga soo galo iyo baraha kantaroolladana waan xirnay - diyaar ayaan u nahay inan fashilino haddii ay soo galaan" ayuu yiri taliyaha qeybta booliska,Faarax Galangooli oo la hadlay idaacadda maxalliga ah ee Radio Garoowe.

Iman Jama