Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Belgium
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha
danjiranimo ka guddoomay Safiirka dowladda Belgium ay u soo dirsatay Soomaaliya
Mudane Nicolas Nihon.
Nihon oo ah Danjirihii ugu horreeyey ee Belgium ay u soo
magacawdo Soomaaliya ayaa Madaxwweyne Farmaajo u gudbiyey salaan uu uga siday
Boqorka dalkaas Philippe Léopold.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda
Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daauud oo goob joog ku ahaa
munaasabaddan ayaa xusay in muhiimad gaar ah ay leedahay in Dowladda Belgium ay
safiir u soo dirsato Soomaaliya,maadaama dhawaan dalkaasi uu marti-gelin doono
Shirweynaha Iskaashiga Soomaaliya.
“Dalka Belgium waxa uu ka mid ahaa dalalka Yurub ee aan
matalaadda diblumaasiyadeed ku lahayn Soomaaliya, maanta in safiir ay u soo
magacaabaan Soomaaliya waxa ay tilmaam u tahay horumarka aynu ka sameynayno
dhanka Xiriirka Caalamiga ah iyo xasilloonida la isku halleyn karo ee ka jirta
Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar.
Danjire Nicolas Nihon ayaa uga mahad-celiyey
Madaxweyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadaha aqoonsiga ee Safiirnimo,
isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay in xiriirka labada dal uu
noqdo mid joogto ah oo ku dhisan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab
ee Belgium iyo Soomaaliya.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]