7/17/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2018
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho kula kulmay saraakiil cidan


 

Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay afur iyo casho ah ugu sameeyay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida kana soo jeeda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii wax loogaga qaban lahaa ammaanka deegaanada uu ka kooban yahay dowlad goboleedka Hirshabelle oo qaar ka mid ah ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab iyo sidii dhulkaas loogaga xoreyn lahaa.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa saraakiishan uga warbixiyay xaalada ammaan ee dowlad goboleedka Hirshabelle, isagoo soo hadal qaaday qorshaha uu ku doonayo in la isku furo wadooyinka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay saraakiishan doorka kaga aadan ka qeyb qaadashada arrimahaasi iyo in waaya aragnimadooda dhinaca ciidamada ay ku biiriyaan dadaalada Madaxweyne Waare uu wado ee ah xoreynta deegaanada Hirshabelle.

Kulanka ayaa waxaa lagu lafa guray muhiimada ay leedahay in la iska kaashado Ammaanka Deegaannada Hirshabelle iyo sidii looga dulqaadi lahaa deegaanada ay Shabaab kaga suganyihiin, Waxaana Saraakiisha uu Madaxweynuhu la kulmay ay muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna diyaar u yihiin waaya aragnimadooda dhinaca dagaalka iyo ciidamada in ay ugaga faa’ideeyaan maamulka iyo Shacabka Hirshabelle.

Waare ayaa gabagabadii kulankan waxa uu ugaga mahadceliyay saraakiisha uu la kulmay sida dareenka leh ay u muujiyeen waaya aragnimadooda iyo sida diyaarka ay u yihiin in ay la shaqeeyaan maamulka Hirshabelle, isagoo xusay in kulamada noocaan ah uu sii wadayo islamarkaana ay iska wareysan doonaan saraakiisha kale dhinaca ammaanka maadaama ay muhiim u tahay in laga faa’ideysto waaya-aragnimadooda.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tan iyo markii la doortay waqtigiisa ugu badan galiyay dhinacyada ammaanka iyo sida la isugu furi lahaa wadooyinka xiran, waxana uu hore kulamo dhinaca amniga ah ula yeeshay saraakiisha ugu sareysa AMISOM, iyo ciidamada qalabka sida, waxaana heer gaba gaba ah maraya fulinta howlgal culus oo lagu lagula dagaalamayo Al-Shabaab, iyadoo  qaarkood hadaba ay ka socdaan Deegaannada Hirshabelle kuwaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan dadka deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
6/12/2018 3:56 PM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Afhayeenka madaxtooyada Puntland , Cabdullaahi Quraan-jecel oo wariyayaasha caawa kula hadlay Boosaaso, ayaa xaqiijiyay inuusan jirin wax heshiis ah iyo xata wadahal ah u socda Puntland iyo Soomaaliland, kaddib wareysi u bixiyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland , Sacad Cali Shire oo sheegay inay socdaan dadaallo ay beesha caalamka ku dooneyso in lugu xalliyo xiisada labada dhinac ee gobolka Sool.

6/12/2018 1:25 PM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu deeqay agoonta Puntland lacag soddon kun oo doollar ah (30,000) , lacagta ayaa la sheegay madaxweynaha inuu ugu tala-galay ciid-siinta agoonta.

6/12/2018 12:53 PM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Booliska Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada xarunta ah ee Garoowe, howlgallada waxaa lugu xaqiijinnaya amniga,iyadoo goobaha laga tukaamaysto la geeyay boolis suga amniga,sida u xaqiijiyay taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal.

6/12/2018 11:24 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha danjiranimo ka guddoomay Safiirka dowladda Belgium ay u soo dirsatay Soomaaliya Mudane Nicolas Nihon.

6/12/2018 8:01 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dhex marey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Xassan Cali Maxamed “Amar Dambe” iyo BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta tababarada.

6/12/2018 6:54 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) – Saraakiil uu horkacayo taliyaha howl-galinta ciidamada xoogga dalka Jen Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqasho ku tagay deegaanka Baar Sanguuni oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dhawaan ay kala wareegeen Al-Shabaab.

6/12/2018 5:17 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya,Bashiir Ciise Cali ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Shilin Soomaaliga cusub ee dowladda qorsheyneyso in ay soo daabacato.

6/12/2018 4:02 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)- Dowladda Spain ayaa aqbashay in markabkii siday muhaajiriin gaaraya 629 qof kadib markii Talyaniga iyo jasiiradda Malta ay diideen in markabka uu ku soo xirto dekadohooda, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidaasi ku so warantay.

6/12/2018 2:51 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ku geeriyoodeen Doon ku qalibantay biyaha Wabiga Shabeelle, taa oo ku sii jeeday qeybo ka mid ah isla gobolka Sh/Hoose.

6/12/2018 2:33 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)- Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuuker Ducaale Isloow ayaa Heshiis dib loogu dhisayo ciidamada Booliska Soomaaliya heer federalka iyo heer dowlad Goboleed la saxiixday Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-duwaha howlaha gargaarka aadaminimo ee Soomaaliya.

6/12/2018 2:24 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa ku kulmay goor dhow jasiirada Sentosa ee dalka Singapore.