AMISOM oo walaac ka muujisay in la-dhimo milateriga Marekanka ka jooga Soomaaliya
Isniin, June, 11, 2018 (HOL) -Hoggaanka howl-galka nabad ilaalinta
Soomaaliya ee AMISOM ayaa ka walwal-san milateriga uu Marekanka ka saarayo
Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa amniga mid furan, sida laga soo xigtay taliyaha
ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, Paul Lokech.
Waaxda Difaaca Maraykanka ee
Pentagon-ka ayaa horey u shaacisay qorshe 50% lagu dhimayo tiradda
ciidanka Maraykanka ee ka hawlgalla dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo
Afganistan.
"Mid ka mid ah ciidanka haddii
u baxo iyo haddii la buuxin waayo doorkaas, waxaa hubaal inay ka tegi doonan
ammaan furan... taasina su'aal kama tagna." ayuu yiri Paul Lokech,
taliyaha ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo la hadlay wargeyska The
Daily Beast .
Sarkaalka wuxuu inta ku daray inan
wax fudud loo arkin doorka ciidanka Marekanka, kuwaas oo u sheegay si joogta ah
inay taageerro u siiyaan milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta
ku jooga dalka.
Saldhigga ciidanka Marekanka ee
Afrika, wuxuu sii wadi doonnaa howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya, sida u ku
warramay wargeyska The Daily Beast , balse dowladda Soomaaliya iyo howlgalka
AMISOM ayaa walaac ka muujiyay dilka askari Marekan ah oo dedejin kara
Marekanka inuu askartiisa kala baxo Soomaaliya.
Iman Jama
Nairobi,Kenya