Isniin, June, 11, 2018 (HOL)–Darawalada
gadiidka Mooto Bajaajka ayaa maanta dibedbax cabasho ka dhigay Isgoyska KM4 ee
magaalada Muqdisho, waxaana dibedbaxani uu hakad ku keenay isku socodka dadka
iyo gadiidka waddada Maka Al-Mukarama.
Ciidamada Amaanka oo isku
dayaya in ay kala ceyriyaan dibedbaxayaasha ayaa bilaabay in ay rasaas circa u ridaan iyaga oo ku cabsi
galinaya ka qeybgalayaasha dibedbaxa.
Qaar ka mid ah ka
qeybgalayaasha dibedbax ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka cabanayaan jidadka
xiran, isla markaana uu weli shaqeyn la’yahay amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa
in waddooyinka la furan.
Inta badan jidadka magaalada
Muqdisho ayaa malmihii ugu danbeeyayba xirnaa, iyadoo dhinaca kalana marka la
eego dadka reer Muqdisho u diyaar-garoobayaan munaasabada Ciddu-Fidriga.
Kumanaan Kun ayaa lagu
qiyaasaa gadiidka Mooto Bajaajka ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho, waxaana
gadiidka dowladdu ka qaataan lacago kala duwan, taa oo macnaheedu noqonayo in
ay dakhli soo galiyaan dowladda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]