4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2018
Wararkii ugu danbeeyay khilaafka maamul gobolleedka Galmudug

 

Isniin, June, 11, 2018 (HOL) -Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya maamul gobolleedka Galmudug oo muuqda in lagu guul-dareysto in wax laga qabto, iyadoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa dhawaan ka furay magaalada Cadaado kalfadhigga xildhibaanada Galmudug,iyadoo halkaasi ay joogeen tiro aan dhameystirneyn taasoo sii xumeysay khilaafka madaxda sare ee Galmudug.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta rasmiga u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in madaxweyne Xaaf uu halkaa ka wado qaban-qaabada magacaabista golle Wasiiro cusub.

Waxaa dhinaca kale muuqanaya in dowladda Soomaaliya ka gaabsatay Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug, waxaana hadda muuqata in maamulka Galmudug uu labo u kala jabay.

Madaxweyne ku xigeenka gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa wali ku doodaya in madaxweyne Xaaf uu hareermaray dastuurkii Galmudug ee la sameeyay 2015-kii.

Shirkii dhawaan ku soo dhamaaday magaalada Baydhabo oo ay ku kulmeen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobolleedyada si gaar ah looguma soo qaadin arinta ku saabsan khilaafka Galmudug, inkastoo ay jireen kulamo hoose oo dhaxmaray madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiintii Galmudug ka joogtay shirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]