5/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2018
Dowladda Taliyaaniga oo xirtay dekado ay ka soo degi jireen muhaajiriinta

 

Isniin, June, 11, 2018 (HOL) - Dowladda Talyaaniga ayaa diiday Markab soo badbaadiyay muhaajiriin inuu ku soo xirto Dekedaha dalkiisa, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso tii u horeysay ee Talyaaniga ku hor-istaago qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya dalka Libiya.

Markab laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa xeebaha Libiya ka soo badbaadiyay illaa 600 oo muhaajiriin ah, kuwaasoo doon ay saarnaayeen ay badda dhexdeeda ku jabtay.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Talyaaniga Matteo Salvini ayaa diiday in Markabka soo badbaadiyay muhaajiriinta inuu ku soo xirto dekedaha ay ka soo dagayeen muhaajiriinta sanadihii u dambeeyay.

Mr Salvini ayaa ka dalbaday maamulka Jaziiradda Malta in markabkaas ku soo xirto Valletta oo ah Caasimadda Malta.

Hase ahaatee Xukuumadda Malta ayaa sheegtay in muhaajiriinta la soo badbaadiyay laga soo qaaday biyaha dalka Libiya, isla markaana ay sharciyan hoos-imaanayaan dalka Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa marin u aheyd Tahriibayaasha ka imaanayay dalalka Afrika, kuwaasoo Talyaaniga uga sii gudbayay dalalka kale ee Yurub, waxaana sanadkan kaliya gaaray muhaajiriin lagu qiyaasay 33,000.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]