4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2018
Kulan Duco iyo Xasuusin ah oo Minnesota loogu qabtay Marxuum M.Adan Terra



Isniin  Jun 11 2018 (HOL) Minnesota Kulan Duco iyo Xasuus ah ayaa loo qabtay Allaha u naxariistee Maxamed Adan Terra oo ka mid ahaa saxuufiyiinta iyo madaxdii warbaahinta Soomaaliya  oo dhawaan ku geeryooday dalka Ingiriiska shalay galabnimadii ayaa lagu qabtay Xarunta masjid Ummatu Islaam ee magaaladda Minneapolis.

Waxaa igu horeen ka hadlay imaamka Masaajidka Ummatu Islaam Sh Axmed Taajir oo u duceeyey Marxuumka in ilaah naxariisto jano siiyo ,waxuuna sheikh uu sheegay in Terra warbaahinta dalka ay si aad ah uga hadashay uu na ahaa nin taariikh ku leh dalka.

Macalin Saciid Saalax Axmed ayaa isaguna ka sheekeeyey waayahii Maxamed Adan Terra iyo inuu ahaa nin curiya barnaamijyo dhaxal galay ahaa ,kuwaas oo kaalin hore kaga jiray horemarka saxaafada dalka Soomaaliya  ayuu yiri Saciid Salaax.

Faadumo Hiirad Qalayax  oo aheed gabadhii ugu horaysay ee idaacad ka hadasha ayaa ku tilmaamtay Terra iyo dhalinyaro badan oo horaantii Todobonaadkii la qoray idaacada Raadiyow Muqdisho inay ahaayeen rag kaalin toodii warbaahinta ka soo baxay oo dalka iyo dadkuba ku diirsadeen, waxay Faadumo ku tilmaatay Terra nin lahaa cod soo jiidasho leh waxayna u tacsiyeeysay qoyskiisa iyo Umudda Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Sh. Mursal oo isaguna ka mid ahaa wariyaasha Raadiyo Muqdisho ayaa ka hadlay kulanka kaga waramay kaalintii uu uga jiray Terra bahda Saxaafada kana sheekeeyey taariikhdiisii iyo sidii magaca Terra ugu baxay,isagoo ka sheekeeyey qisooyin dhacay xiligii kacaanka  ,waxuuna sheegay inuu ahaa nin shaqadiisa ka adag ,lagana jecel yahay .

Qabanqaabiyaha kulankaan Ustaad Cabdiqaadir Maxamed Mursal ayaa isagu kulanka ka hadlay isagoo waayahiisa ugu badnaa isla soo shaqeeyeen xusay shaqsiga uu ahaa Terra ,xiliyadii ay ka wada hawlgaleen Muqdisho iyo Nayroobi , ay ka wada aasaaseen Jar’aaid iyo waliba Idaacadii Iqra waxuuna sheegay inuu ahaa walaal aad ugu wayn shaqsi qaran ah ayuu ku sifeeyey Cabdiqaadir Maxamed Mursal cida uu ahaa Maxamed Aadan Terra.

ugu danbayntii waxaa isaguna ka shakeeyey Maxamed Adan Terra qayb ka mida taariikhdiisa saxaafi Axmed Yaasiin Salaad oo isaguna ka wada shaqeeeyn jireen idaacadii Iqra ee Nairobi ku taalay ,waxuuna ka xusay in Terra ahaa shaqsi afkiisa looga nabadgalaayey mihnadiisa na u isticmaalaalijiray sida saxda ah.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN