4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2018
Faah faahin ku saabsan dagaal culus oo xalay ka dhacay dulleedka Muqdisho

 

Isniin, June, 11, 2018 (HOL) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya baxaya dagaal xalay laba jeer ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho kdadib weerar ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku soo qaadeyn deegaankaasi.

Dadka deegaanka Siinka Dheer oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in koox hubeysan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay fiidkii hore ee xalay weerar is xig xigay ku qaadeen Saldhigga ciidamada NISA ee Siinka dheer waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho o soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Dagaalkaan oo socday ku dhawaad 40 daqiiqo ayaa dadka deegaanka waxaa ay ku sheegeen kii ugu xooganaa oo waayadaan soo mara deegaanka, saraakiisha amaanka wali kama hadlin dagaalkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]