Axad, June, 10, 2018 (HOL) – Xerada qaxootiga Kakuma ee dalka Kenya oo ay ku noolyihiin
bollaal Soomaali ah ayaa lugu qabtay bandhiga caalamiga ah TEDx ,waxaana marti
ku ahaa oo guulaha ay nolasha ka gaareen ku soo bandhigay dad horey usoo marey
nolasha qaxootinimo.
Bandhiga Sabtidii oo inta la
ogyahay noqonaya midkii ugu horreeyay ee lugu qabto xero qaxooti, waxaa lugu
soo bandhigay tusaalooyin wax-tar u noqon kara qaxootiga,dadkii hadallada
jeediyay oo u badnaa dad kusoo barbaaray qaxootinimo waxaa ay soo bandhigeen
sheekooyin ku saabsan dhibaatooyinkii ay noolasha kasoo mareen iyo waxyaabaha
ku qasbey inay soo barakacaan, kuna nooladan xeryo qaxooti.
Inta uu socday bandhiga dadka aadka
loo xiiseynayay sheekooyin nolashooda ku saabsan waxaa ka mid ah gabadha
da'yarta ah ee caanka ku ah xayeysiinta dharka ay xirtaan dumarka Islaamka,
Xaliima Aadan ah oo kusoo barbaartay xerada qaxootiga ee Kakuma balse dib u
dejin ka heshay Mareykanka. Xaliima oo Soomaali ah waxaa ay si aad ah uga
sheekeysay caqabadaha ku hareereysan dumarka qaxootiga iyo in sida looga bixi
karo dhibaatooyinkaasi ay tahay in wax la baro dumarka.
Kakuma waxaa fursad u siiyay in lugu
qabto bandhigaan caalamiga ah waxaa lugu sheegay xerada inay martigalisay oo ay
ku noolyihiin qaxooti ka yimid meelo kala duwan , qoymiyad ahaanna ku kala
duwan -waana sababta bandhiga dadka ka hadlay ay uga mid ahaayeen qaxooti kale
oo kasoo kala jeeda dalalka Koonfurta Suudaan iyo DRC Congo, kuwaasi oo ka
shekeeyay dhibta ay collaadu ku reebtay noolashooda iyo markii ay yimaadeen
qaxootiga sida ay uga guul gareen noolasha.
Hadallada bandhiga laga jeediyay
waxaa ay dhammaan dhiirrigalin u ahaayeen qaxootiga oo lugu booriyay in
noolasha qaxootinimada laga bixi doono,balse ay ku dadallaan waxbarashada
carruurta oo gabdhaha ay ka mid-yihiin.
Kaliya dadka qaxootiga horey usoo
marey bandhiga kama aysan hadlin ee waxaa ka mid ahaa saraakiil sare oo ka kala
socday bangiga adduunka, hay'adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo dowladda
Kenya,iyagoo sharraxay horumarka ay qaxootiga ku tallaabsan karaan, marka
tusaalooyinka la arki karo ee ay soo qaateen waxaa ka mid ahaa qaxooti badan oo
horumar gaaray, kuwaas oo ay kamid yihiin Xaliima Aadan oo caan ku ah
xayeysiinta dharka iyo nin kale oo qaxooti ah oo guul ka gaaray ciyaarihii
Olympikada ee Brazil lagu qabtay.
Bndhiga TEDx waa madal la isku
waydaarsado aragtiyo kala duwan ayna khudbado ka jeediyaan dad nolosha guulo ka
gaaray, si ay dadka ugu sheegeen in ay caqabado soo mareen kana gudbeen, qof
kastana uu sidaa yeeli karo haddii uu dadaalo.
Iman Jama
Nairobi,Kenya