4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2018
Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo dib ula wareegay deegaanka Baar-zanguuni


Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayay maanta u suurogashay in ay dib ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka Baar-zanguuni oo ay xalay la wareegeen Al-shabaab kadib duulaan ay halkaasi kusoo qaadeen.

Dagaalkii xalay dhacay oo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay ayay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland isaga baxeen deegaankaasi, kadib weerar uga yimid Al-shabaab, waxaaana u suurogashay Al-shabaab in ay la wareegaan saldhiggaasi.

Balse saaka ayay ciidamada dowladda duulaan kale ku qaadeen deegankaasi.

Taliyaha aagga Buulo-gaduud ee ciidamada Daraawiishta Jubbaland Xasan Max'ed Aadan (Xasan Ciraaqi) oo HOL la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa xoogga dalka ay haaatan ku suganyihiin deegaanka Baar-Zanguuni.

"Saaka ayaan weerar qorsheeysan ku qaadnay, dhowr jiho ayaan ka weerarnay, waxaana jirtay madaafiic  la is weeydaarsaday, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland-na waxaa u suurogashay in ay deegaanka dib ula wareegaan" ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Mar aan weeydiinnay hadii ay jiraan qasaarooyin ka dhashay dagaalka ayuu xusay in dhankooda aysan jirin cid wax ka noqotay, dhanka kalena aysan xaqiijin karin, maadaama ay Al-shabaab isaga baxeen deegaanka.

Dhanka Al-shabaab ilaa hadda ma jiro wax war ah oo  ku saabsan howlgalladaasi oo kasoo baxay.

Dhinaca kale, shacabka ku dhaqan deegaannada ay ciidamadu ku dagaalamayaan oo ay markii hore saameeyeen fatahaado uu sameeyay webiga ayaa ka qaxay deegaanadooda, ayagoo ka cabsi qaba in ay waxyeelo kasoo gaarto dirirta labada dhinac.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.